najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
IS BARASHADDA [ isa- saluuga soomalida maanta ] [Dood Furan] Q3aad
WQ:Sharif Mahamed
2008-12-02
Ibnsufi1@gmail.com


Mahad aan la soo koobi karin Alle ,Nabad gloyo iyo naxirsina ha u sugnato Nabigeeni Muxamed NNKH

Kala aragti duwanaanta aadamigu waa wax aan in badan doodi ka tagneyn ,,waxaana dhacda in maskaxddeenu ku kala duwan tahey jawaab celinta waxay arkayso ama maqashay. Qoraaladeenii hore waxay ahaayeen al-baab ama irid arar (hordhac) u aheyd bal in aan si wadda jir ah u qeexno waxa in badan oo bulshadeena Soomaaliyeed ah ka dhex guuxaya. Run ahaantii waxaa muuqata in aan lagu kala duwan yahey aas-aaska ( bar bilowga) wax doonista ama qofku in uu hammiyo (ku fekero) in uu guursado, iyadoo ay jirto in qof walba uu jeclaan lahaa ,, in gurigiisu ahaado meel inta kale tusaale u ah ,, oo ay ku daydaan.

Qoraalkii uggu horeeyay waxaan ku xusnay in buuqa hadda ka dhex jira guryaha uu in badan ku keenay niyad jab aynna tusaale dhinac madow ah u aqriyaan guryaha bur-burey ee bulshadda ,taasi waxay badisay kala shaki aan cidna xal u aheyn oo qof waliba dhankiisa ka guuxayo (Rag iyo Dumar is eedaynaya). Qoraalkii labaad ee ku sabsanaa “isfahmaka” waxa uu albaab u ahaa ,, QAYBTA HORE ee qoraaladan taas oo ku socota ,, inta aan WELI GUURSAN, iyadoo aan aqriste yaasha xasuusinayo in qaybta labaad ee qoraalkani ku saabsanan doonto GUURKA KADIB, hadii alle na makamiyo oo aan noolaano insha alaah.

Isdoorashu waa qaybta uggu muhiimsan ee geedi socodka dad qaan gaar ah, kaas oo go,aansadey in uu kali nimadda ka baxo ,, waxaase lagu kala duwan yahey qofku waxa uu ka filayo guurka (u laabo jawaabta suaasha aqristaha), in badan oo aadamiga ka mid ah waxay guur uggu hamiyan in uu CARUUR DHALO, qaybkale in ay ku DHAWRSADAN, koox kale in uu arko cid u KHIDMAYSA (cuntana u karisa ,dharkana u mayrta + shahwo ) qaar kale umma qeexna waxa uu ka rabbo ,, waase wax ku abuuran oo uu u arko DHAQAN ,, in kale oo badanna waa isku dhex jir rabitankoodu (caruur,dhawri,dhaqan ilaalis + khidmo).

Iyadoo aanay jirin wax lagu sargoosto(qiyaaso) marka qofku uu hammi qaado hadana waxaa jira xayndaab qofkasta oo wax dooni ah aanu ka dhex bixi Karin oo aan ku soo kobayno qodabadan:

DIINTA: Isdoorashada midda uggu cimriga dheer ugguna guusha badan waa in labada qof ku dhisaan rabitankooda oo dhan DIINTA “ in la isku doorto diinta” qof kastana uu xasuusto in raasamalka midka uggu qiimaha badan uu yahey in qofku uu ka dhex raadiyo waxa uu rabbo diinta islaamka.(u laabo xadiskii u guursada ee bukhaariga + xadis ku yaala ibn maajah ee ahaa ha u guursanina maal iyo qurux …,, sidaa oo kale shekaddii dhex dhex martey caasim ibn cumar al khadab iyo abihis Cumar guurkisa ka hore allaha kawad raali noqdee iwm.) lama soo koobi kaor tusaale yaasha qiimah leh ee ka buuxa diintena islamka kuna saabsan in wax lagu dhisto diinta, waxaana lama huraan ah in labada dhinacba ay isku si u xushaan oo qofku wax walba ka hormariyo diinta.

DHAQAN WANAAG: bini aadamku iskuma raacaan in ay ceeb u yeelan qof aan laheyn,qof kastana wuxuu la dhaqan yahey ama uu dhaqan dhaw yahey , dadka uu ku dhex jiro” saaxiibadda”. Dhaqanka qofku waxa uu saamayn ku leeyahey mustqabalka dambe ee guriga la dhisaya iyo caruurtaba, in qof walibba kan kale uu hoo helo (baaro ) sida uu u nool yahey iyo dabeecadda uu kula dhex jiro bulshadda waxay sahashaa in la isku soo dhawaado ama lakala tago hadii labadda qof aysan isku xayndaab ku jirin. Soomaaliduna waxay bulshooyinka kale uggu duwan tahey in qof kasta la heli karo, mudo yar gudaheed.

ISKU JIIL (ISKU XILI): sidaan hore u soo shegnay da’addu waxay qayb muhiim ah ka tahey in labada qof is fahman iskuna aragtid dhawaadan (u laaabo isfahamka), balse waxaa jira iyanna in isku xili ahanshaha qayb ka mid ahi tahey in labada qof wadda cusub yihin (in aan hore loo soo gursan) ama ay yihiin dad soo wadda marey guur. (amuurtani waa doorasho … dad badan oo guur soomaray iyo kuwo aan soo marin oo is guursaday nolashooduna hagaagsan tahey ayaa jira) hadii la waayo dad wadda cusub, qof ka mid ah labada qof uu soo maray guur hore, farqiga da’adda ee u dhaxeeya labada qofna uu yahey wax muuqda waa in 2 qof ay adkaysi u yeeshaan haddalada ka iman doona bulshadda uu ka dhex guursaday ( alla oday ka weyn bay guursatey, iyo single mother ayuu guursaday ). Isku xili ahaan shaha iyana waxaa ka mid ah in tacliin iska ag dhaw ay labada qof lee yihin ,, oo aanay dhicin in gabar wax baratey loo qasbo nin aan maalin iskool tagin ama qof wanaagsan qof kale loogu daro waa ehelka (waa nin la yaqaan oo cida ah), ama guur maslaxo ku salaysan (in qofku wax aan aheyn ujeedka muuqda ee guurka uu lee yahey) buufiska ayaa tusaale ah .. ma xumma in qofi qof kale soo dhoofsho ,, balse waa in isku dan dadku wadda yahey oo wax ka sokeeya guur xalaala meesha ka baxaan.

Dhamaan intas aan sare ku soo sheegnay iyo waxyaabo kale oo degaanka lagu nool yahey keen saddo ayaa ah jaran jaradda (salaanka) u horeeya ee qof hammi galey (guurdoon ahi) wax ka bilaabo, waxaan jira in dadku kala dooq iyo fakir duwan yahey ayna jiraan in badan oo jecel in QARAABANIMO(so keeye ahan) ISKU GUURSADAN oo waalidka u daaya in uu wax u dooro(arranged mariege). Su’aasha maskaxdda qaybta hore ee rabta in ay iyagu wax soo xushaan ku soo deg –degaysa waxay tahey ,, xagaan ka bartaa / ku arkaa QOF WANAAGSAN anigoo sahrciga (diinta) ilaalinaya ……

SU’AASHA AQRISTAHA: Qofkaad jeclaan laheyd in aad u sheegto waxa kugu soo kordha inta aad sheeko wadaag la tahey qof kale….? Goorma yaadse u sheegi laheyd ? (fadlan soo koon jawabta)

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Isa Saluuga Soomaalida

Top 5: Isa Saluuga Soomaalida

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 688
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 688
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2438
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,354 unique visits