WQ: Anisa Sh Ibrahim  2012-06-08 anisa@khadijahome.com
Kaadso ninyahow midkasta uma qalantide, adigoo laga yaabo inaad xaaskaagii iyo ubadkaagii soo dayacday, seed usii eegtaa gabadh ayna fartaadu gaadhin... Seed u hadlaysaa nin rageed ayaan ahaye, naa bal ha i caayine kaadso adigu... Ma naag laga dhamaystay ayaad i mooday. Boqol naagood ayaan uur u yeeli karaaye afkaaga iga jeedi, kibirkan iyo isla waynidan xagey ka keentay yartani... Naa nin ku dhaqan kara hadii uu kusoo eegay inaad ka fikirtaba maaha waxaas...
Sidaad u eegtahay war horta ma eegtay, adigoo qaabkan leh oo aan aqoon sida loola dhaqmo dumar seed isoola waynaataa, idinkoon muraayadaba isku soo eegin ayaad sidan isoola wayn tihiine tolow maxaad samayn lahaydeen hadii aad tihiin niman iska shaqeeya oo jidhkooda dhisa... Naa naago kibray ayaad tihiine ninku dhaqaya raadsada intaad daba ordaysaan wiilashan yaryar ee dabada siiban ee aan la moodinba inuu yahay nin rageed... Nin rageed nin rageed waadigan ku waashee aamus gafuurka xun siduu yidhaahdo eeg, war xageed ku ahaydeen nin rageedka mise hadii aad LAB tahayba waxaad is mooday inaad nin rageed tahay... Cajiib cajiib war naagtu af dheeraa, naa adigoo kale kuwii usha lagu edbin jiray ayaad tahaye xagee lagugu hayey, gafurkan xun ee aad kor usii taageyso wax ku jabiya aayaad u baahan tahay...
Akhas adoo kale faro aad wax ku dishaba maadaa wata... Warbal naagtan kibirkeeda eega, naa ilaa goormaad sidan isoola waynaatay oo aad raggii soomaaliyeed sidan u xaqirtay... Markaan ogaaday adiga oo kale inaad ku jirto ayaan idinka jeedsaday dee...
Bal is dajiyoo ma midbaa kaa soo jajabiyey kadibna aad isagoo kale na wada mooday dadka...
Inaad niman tihiinba idinma moodee muxuu iga jajabin... Afkaa xun hadaan ku dhufto imika way qayline yaa aamusiiya tolow waxan, naayaa goormaad heerkan gaadheen oo aad nimankiinii sidan u xaqirteen, nin xumoo cadaana oo aan qiimahagaba aqoon goormaad u hanqal taagtay, na hooy yarey kaadso meel cidla ah ayuu kaaga dhaqaaqi doonaaye... Niman aydan cididooda gaadhin markaad wax ka sheegtaan ayaan idinla yaabaa... Hmmm imikan fahmay nooca inay cadaan guursadaan u gogol xaadhanaya, warninyahow maxaa laga siiyaa nimankan cad cad ee ay usii wada hanqalka taagayaan, tolow maxay ku arkeen... Waxay idinka waayeen ayey ka heleene maka xuntahay inay nin aan xaqirayn sidaada guursadaan... Dee inaabti isyara dajiyoo waxaasi kaftan ayuu ahaaye... war wax makuu sheegaa nin soomaali hadaan guursanayo adoo kale horta maaha oo goorta uu cay iyo bahdilaad ii dhameeyo kadib soo baraaruga, markuu noloshiisa ka seexdo kadib markay xaaskiisu kusoo baraarugto ee ay iska soo saarto kadib baraaruga, midkaasoo kale ayaad u badateene maxaa la idinku falayaa.
Naa hada ka joog nin soomaali aad iska xagxagato wuxuu yahayba cid kuu dhaantaa majirtee... Oo maxaa ku yaala oo laga xagxaganba... Naa nin intuu ku dhaqan karo waa nin raggee nimanka qaabka aad u eegayso badal... Nooc kastaa markuu isu arkay inuu u qalmo hablaha soomaaliyeed ayaaban la yaabaa.... hakuu macaanato adeer, hadii aad wax shukaansana islaan kula da’ah soo shukaanso kolba intaad hablaha dariiqa u istaageyso. Naa sii soco wax ku kibir jabiyaad rabtaaye.
Akhristoow maxay kula tahay murankaasi maxaa ka khaldan labadan qof ee ay isu fahmi waayeen. |