WQ: Bashiir Macalin Cali ’’ AbuXudayfah’’ 2012-04-27 bashiircali22@hotmail.com
Asalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabrakaatuhu:-
Allaah s.w.t ayaa mahad idilkeed u sugnaatay , Bini Adamka u sahlay ineey wax qoraan waxna aqriyaan .Rabbigii Ummada Nabi Muxamed SCW ka dhigay (Ummadii Aqriska) inkastoo ummadii ka gaabisay aqriskii iyo qoridiiba siiba bulshadeena Soomaaliyeed intooda badan.
Arar iyo horudhac haddaan halkaa ku agaasimo: Maanta waxaan qalinka iyo qadda isku soo dulsaaratay , inaan idinla qaybsado- Qiso dhexmartay Lammaane is qabay (Nin iyo Sawjadiisa).
Aqristoow waatan dhacdadii u dhug yeelo noqona qof meeyeela (Inta wanaagsan ka qaata).
Waxaa is qabtay ama isku dhacay labo lammaane nin iyo xaaskii.
Sida caadigaa dadku waa is qabtaan , waatii maah maahdii soomaaliyeed ahayd ’’ ilko iyo carrabaa isugu dhow , iyana waa is qaniinaan’’ waa wax lala noolya in la is qabto, inta bini Adam jirana waa xaalad jiraysa, labo isqabtaba ha ahaadeene . Balse dadku waa kala garaad dheeryihiin oo labada lammaane haddeey is qabtaan , waa ineey kala roonaadaan , oo midu sabraa , si kan kale u dejiyo.Si xaalada loogu soo celiyo sidii hore ama qofka kale xanaaqa looga bi’iyo. Yaanan mawduuca ka saantirane , Labadoodii markeey isku dhaceen ,waxaa dhacday in labadii lammaane kala aamuseen oo hadalkii kala GOOSTEEN !! Yaab iyo amakaag: waa halka soomaalidu ka tiraa afkiiyaaba juuqda gabey. Mid walba wuxuu go’aansaday inuusan dhiggiisa (lammaanihiisa )kale la hadlin ilaa midka kale hadalka bilaabo maahan e. Mid kasta wuxuu rabaa inuusan noqon kan soo hor noqda oo hadalka fura. Ogoowna aqristoow , in ninku( beri 5:00 shanta) aroornimo ku qoranyahay diyaarad oo uu safar yahay. Sidaa iyagoo maalintii u kala aamusnaa ayaa habeenkii waqtiga jiifka la gaaray, ninkii sariirta ayuuna sii tegay ileen beri aroor hore ayuu Safraaye . Laakiin halkii la rabay inuu u cudur daarto cafisna ka dalbo isla markaana ku yiraa (Macaanto ama Qaali igana raali noqo waan kuu gafaye , caawa ma i kicin kartaa waqti hore siyaan duulimaadka diyaarada ee 5:00 aroornimo baxee uga gaaro ). Sidaa ma haleelin e, warqad ayuu ku qoran sida tan hoose:- ’’Hebloow Beri aroortii 5:00 ayaan duulimaadka ku qoranahay , ee i kici waqti hore caawa.’’
Koobadiinka dhicadeeda ah ayuuna u saaray warqad intaa ku qorantahay. Xaaskii way soo seexatay , balse maadaama habeen ahayd , fariinta koobadiinka saaran ee ninkeedu u saaray maysan arag. Balse Heblo way ka hortoostay aroortii sida caadada ahaydba , isla markeey kacday way aragtay waqradii , balse lama aysan hadlin mana kicin , ee waxay warqad ugu qortay ’’ Hebeloow waa la gaaray waqtidii Diyaarada ee ka toos’’Isla koobadiinkii dhiniciisa ahaa ayayna u saartay.
Subaxdii 9:00 sagaalka aroornimo ama sedex saac , hadba saa u taqaanid, ayuu kacay diyaaradii uu 5:00 ku qornaana warkeedaba ha sheegin. Markaa ayuu arkay warqadii jawaabta ee xaaskiisa meesha u saartay !! Halkaa ayuu cataab iyo calaacal ka billaabay waa goor midii uus ku tagtay , xeeriyo fandhaalna kala dhaceen.
Sida muuqata labadaan lammaane waa isku dhaceen ,balse halkii xaalkooda wanaajin lahaayeen ayay baasiin kusii shubeen (oo kala aamuseen).Soomaaliduna waxay tiraa caano daatay dabadoodbaa la qabtaa, haddii la isku dhacay markii hore waa in marka danbena arinta la xiliyaa . Waana in la kala roonaadaaa.Midi midi ku taag xaalku yuusan noqon .Haddii ninkaagu qaldamay Marwayahay adna miyaadan ka roonaanayn ? Waan ogahay in ninkaa isagoo adi kuu jeeda darbiga warqada kuu saaray.Waana oga sidoo kale inuu kaa qaldanyahay weliba qalad wayn. Laakiin soo ma fiicneen inaa ka roonaatid ? Walaalsheeydaay ka waran , haddaa gacantaada qaboow dhabanka ka saartid , hadal dabacsana ka tiraahdid qureec kululna u diyaarisid , soo SHEYDAANKII idin soo dhexgalay kama adan GUULAYSAN ,Oo khilaafkaa qofka sababtiisa looga gudbay soo adiga maahan.Guntii iyo gabo gabadii waxaan lammaane walba kula talinaa , ARINTU maahan , yaan la is qaban. Balse waa haddii la is qabto , HORAY HALAGA HESHIIYO . Oo haddaadnan heshiin yaa idin heshiisiin waa iga su’aale? Ma beesha CAALAMKA iyo UN ka ayaa sugaysaan ?, Ma deriskaa sugaysaan ? Mise ehelkaa sugaysaan ?
Haddaba waa iga talo walaaltinimee , walaalayaal ka TAXADAR in arintiina , guriga dhaafto oo dad kale xaliyaan. Maxaa yeelay mar haddeey dhacdo arintaan , marka kalena waad sugeysaan in dadku arintiina xaliyaan. Waana laga fiicanyahay in ehelku kusoo baxo arimaha dhexdiina ah . Horay haddeey u dhacdayna , hadda ka gaashaamo si aysan kuugu soo noqon InshAllah.
Allaah s.w.t ayaan ka baryaynaa inuu Guryaha ’’lammaanaha ’’Musliminta Jeceyl iyo Galgacal dhex dhigo. Awlaad wanaagsanoo Diinta u gargaraatan Allaah haka soo saaro. Aamin..Aaamiin..Aaamiin.
Walaal Waan Kaaga Mahad Naqaa , Waqtigaaga Qaaliga ah ee aad ku bixisay aqriska Maqaalkaa ..............................................Mahadsanid kun iyo koow jeer.................................................. |