WQ:Najma Saciid 2012-04-06 najma@khadijahome.com
Bismillaah... Kadib markay soo shaac baxday aalada internetka taasoo badashay qaababkii iyo sidii la isku gaarsiin jiray wararka iyo dhacdooyinka aduunka waxaa la tilmaamaa in caalamku noqday hal tuulo. waxaa sahlanaatay xidhiidhada dadku yeeshaan , waxay aaladan suuratgelisay sahashayna waxyaalo badan oo dhib ahaan jiray marka loo eego inteyna soo shaac bixin aaladan casriga ah hadana labada af leh qof walbana siduu u adeegsado iyo siduu uga faaiideysto khayr iyo sharba uu helayo natiijada ka soo baxda adeegsigiisa.. Cid walbaa waxay sameysatay website u gaara kana tarjumaya fikirkooda iyo hadafkooda , waxaa jira kuwo qabyaalad loo sameeyay qabiilada kalena wax looga sheego , waxaa kaloo jira kuwo wararka iyo dhacdooyinka ka hadla wararkoodu hadeey doonaan been iyo run ha isugu jiraane, waxaa kaloo jira kuwo arimaha bulshada ka hadla , waxaase iga yaabiyay arin diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aan fiicnayn marka laga hadlayo arimaha qoyska gaar ahaan arimaha gogosha waxaad moodaa in dadka qaar markeey wax ka qorayaan arimahaas ay ka tagaan xishoodkii iyo asluubtii iyo anshaxii loogu talagalay in asaas looga dhigo qoraalka taasoo ah in la ixtiraamo caqliga akhristaha iyo indhihiisaba. taas macnaheeda hadaan sii jilciyo waxaa haboon marka laga hadlayo arimaha xasaasiga ah ama ku saabsan gogosha reerka in aan la qaawin ereyada la isticmaalayo qofka akhrinaya qoraalka wuu fahmayaa ujeedaada qasab maaha inaad banaanka u soo dhigto wax walba sidii isagoo filim sex ah daawanayana u dhigto hadalkaaga, taa waxaa ka daran sawirada la isticmaalayo ee lagu lifaaqo qoraalka oon ahayn sawiro qof xishoonaya ama indhihiisa u naxaya uu eegi karo,ma sheegin qof doonaya inuu indhaha ka zineysto rabana inuu isku dabaqo hadalka mesha ku qoran iyo sawirka ka tarjumaya ee meesha loo soo saaray,, Waxaan leeyahay hala ilaaliyo asluubta wax qorida ha is dhihin qofka qoraalka iyo sawirkaa aan soo sheegay soo diyaariyoow waxaad la hadlaysaa qoraalkaagana u jeedinaysaa dad american ama yuruba, waxaad qoraalka u wadaa waa dad muslimiin ah waa dad dhaqan fiican ku soo korey waa dad sooomaali ah waxyaaalaha hada la caadeystana aan dhaqan u lahayn. soomaalidu waa dad xishoota wax walbana aan ku dhiiran ma sheegin mid is mooday inuu dad kale yahay dhaqankii dadkaasna soo guuriyay isagoon shaandheeyn rabana inuu ku tilmaamo ilbaxnimo iyo horumar. La gaaray isagoo halhays ka dhigtay wax la qariyo qurun baa ku jira iyo dadkaa wax loo faaiideynayaa indhahana loo furayaa. Ma lihi yaan laga hadlin arimaha qoyska ku saabsan waxaanse leeyahay dadka caqligooda iyo indhahooda hala tixgeliyo wax walboo adiga kula fiican ama maskaxdaada ku soo dhacana inaa maqaal uga dhigto dadka waa wax laga fiican yahay,, ha eegin inta qof ee akhriday maqaalkaga ama fikrada ka dhiibatay badnaantooda waxaadse eegtaa waxaad soo qortay ma yihiin wax u qalma in dadka loo soo bandhigo mise waa arin ku dhiirigelinaysa dhalinta inay booqdaan goobaha xun xun ee cadowgu ugu talagalay inuu ku baabi,iyo dhalinta muslimiinta waxaan ku soo koobayaa ha u jideeyn hana u qurxin dhalinta inay ku dhacaan qalad taasoo uu sababay qoraalkaaga xag akhrin iyo xaq sawirba ka qaawan |