
WQ: Khadijahome.Com 2012-03-18 khadijahome@khadijahome.com
Waxay cadaysay wakaalada wararka ee Vietnamnet in boliska wadankaasi ay qabteen bishan March nin xaaskiisa gubay kadib markii uu waayey Diig uu kaga qayb gali jiray tartanka diigaga la isku diro. Wuxuu qirtay ninkaasi in uu waayey diigiisii kadibna uu u maleeyey inay iyadu sabab u hayd, kadibna uu go’aan saday inuu saliid ku shubo iyadoo huruda kadibna uu gubo ciilka uu u qabay dartii.
Caruurtiisii iyo isaguna way ka bad baadeen gubashadaas naxdin darada u dhacday. Waxay cadaysay wakaaladu in xaaskiisu ay dhakhtarka taalo iyadoo xaaladeedu ay tahay mid aad u khatar ah.
Ilaahoow na badbaadi. Waxkasta maxaa la maqli waayahan danbe.
|