WQ: Layla Ahmed (Istaahil) 18-07-2010 layla@khadijahome.com
Xafsa: Amran maanta maxaa kugu dhacay macaanto aad la murugaysantahay?
Amran: way ii dhamaatay noloshaydi oo dhan maantay kusoo ekaatay…….mayee barr maanta waan noolahaye!
Xafsa: Bisinka walaal maxaa dhacay oo barri ku dilaya fadlan ii sheeg ma…....
Amran: Xafsa waan ogahay waxaa moodasid laakiin maaha waxaas oo dhan
Xafsa: hayee ii sheeg dee dhakhso….
Amran: Mustafe Cumar ma taqaan?
Xafsa: haa inaadeerkaa saw maaha, xaafadiinaan ku arkaa markaan idiin imaadee
Amran: sax, waa runtaa waxa I dilaya waa isaga!!
Xafsa: idilaya aa miyuu soo waashay?
Amran: naa mayee I fahan dilku saad moodaso maaha, waa la ii guurinayaa oo waliba barri la igu meherin….. KHASAB
Xafsa: waad iska hadlasaa
Amran: sxb miyaan kuula ekahay qof iska hadlasa, hadaan iska hadlayo ma anaa murugadaas oo dhan gali lahaa!!!!
Xafsa: may xabiibtii, ma dhacasee yaa kugu khasbaya ma aabe mise hooyo.
Amran: waa odayga xunkaa hooyo waa iska miskiinade
Xafsa: waan gartay maxaad ku fakartay markaa inaad samayso?
Amran: maxaan ku fakaray dee ma firkad baan hayaa inaan dhimanayo isu qaataye
Xafsa: naa maya, maya. Ma dhimanaside macalimada xiisada soo socota soo galasa u sheeg iyadaa ku caawinasee
Amran: waan ka baqayaa waa ceeb inay ardaydu I ogaadaan
Xafsa: naa waxaas ha u bixin macalimadani waa macalimad fiican cidna wax uma sheegaso, adigu fulay baa tahee iska daa anigaa kuugu sheegayee.
Nusasaacihii baa la galay oo waxaa meel isku aruursaday dhawr dhalin yaro Soomaali ah oo iskoolka dhigta wiil iyo gabdhobana isugu jira. Amran oo murugo indhaheeda ka muuqato ardaydana aan la sheekaysanayn baa Xafsa si hoose ugu tidhi: “ macalimadii ma u sheegtay wixii?”
Xafsa: haa waan u sheegay oo way ka xumaatay aad, lambarkana way isoo siisay oo si dagdag ah ha u wacdo tidhi si loo caawiyo, iyaduna waxay tidhi xafiiska hadhaw ha iigu timaado si aan ugala hadlo haday rabto inay gurigayga sii joogto inta ay caawimaad helaso.
Intaysan Amran hadlin baa waxaa soo booday Khadar oo hadalkay hoos isugu dhigayaan maqlayay oo yidhi: “ labadiina maxaan idinka yaabaa hadaad dadkale dhex joogtaana ma afkaad isi saarasaan oo wax walba qarsanasaan, bal sheekada wax naga siiya waan idinku ag caajisnee”
Xafsa: kkk, Khadar adna war jeclidaa maxaad afkayaga ka eegi orod Aamina la sheekayso dee
Khadar: ma saas dhan baad ii necebtahay markaad Aaamina ii diraso, way masayrsantahay yaysan idiline igadaa….. oo Amrana maxaa ku dhacay miyay xanuusanasaa?
Xafsa: ma adigaa ka masayriyay Aamina?, Amran maanta hadal badan ma rabtee.
Khadar: may aniga maxaa ii keenay masayrkeeda, Caligii ay is guursan rabeen baa gabadh ay habarwadaag yihiin waalidkii khasab ku guurso dhaheen oo iyadaa meesha ka baxasa saas bay u masayrtaye, Amrana ma masayr baa haya?
Amran: waan ka xumahay Aamina waxa ku dhacay kaligay baan is moodayay!
Khadar: kkkk, ka waran waan iska gartay in isku si la idiin hayo, adna yaa kaa masayrshay?
Xafsa: war masayr maaha iyadee miskiinta haku digan
Khaddar: Xafsa sug bal adigu waxba ma ogid, Amran yaa kaa masayrshay?
Amran: Khadar maanta waad iga xaraabaysanasaa laakiin waan kuu sheegiye masayrkaaba ii dhaami lahaa tan oo khasab baa la iigu guurinayaa sida Cali
Khaddar: Oh , waan ka xumahay Amran laakiin waxba haka walwalin waanu ku caawinanaa anagaa asxaabtaada ah.
Amran: mahadsanid……… laakiin waxaad ii qaban kartaan malaha ( iyadoo si quus ah u hadlasa)
Khadar: waanu kuu qaban karnaa oo Caliba waanu caawinay . Oo hada guriga waalidkii wuuka guuray mana khasbikaraan oo waa loo digay… xitaa intay fikirkan aaminsanyihiin ma soo booqan karaan…. Ilaa ay ka toobad keenaan ( isagoo qoslaya)
Xafsa: khatar walahay wuu ka baxsaday, xagee u marten caawintiisa Khadaroow?
Khadar: haa aad iyo aad, waxaa na caawiyay macalinka xisaabta iyo wiilka Lio ee ay Cali saaxiibka yihiin waalidkii.
Amran: anigu raali kama ihi waxaas laakiin waalidkay baa igu kalifaya oo waan ku khasbanahay inaan gaalada caawimo waydiisto si naftayda u badbaadsho.
Xafsa: sax Amran, qofna raali kama aha waxaas laakiin waalidkaa ku khasbaya in saa la sameeyo oo guriga dhan looga guuro aragoodana laga dhuunto, Khadar anaguba hada waan haynaa lambar ay macalimadu na soo siisay oo xitaa gurigayga waysii dagi kartaa Amran bay tidhi.
Khadar: Xafsa saas baa la idinka rabaa lambarkaa wac oo wax walba say tahay ugu sheega, Amran waa runtaa oo wixii laga fursan waayo in la sameeyo waa lagu khasbanaan…..
Xafsa: laakiin khadaroow markuu Cali guriga ka soo guurayay miyaysan waalikii ogayn?
Khadar: way ogaayeen mana ogayn
Xafsa: sideena?
Khadar: waa si caadi ah, waayo markaa hooyadii sidii caadada u ahayd bay guriga joogtay oo wajiga qasil baa u marsanaa taleefana saaxiibteed bay kula hadlasay. Odayga aabihiis ahna wuu hurday. Ka dibna alaabta aayar usoo xidh xidhay oo iska soo baxay gaadhi dibada ku sugayayna soo raacay,meeshuu u socdana lama waydiin
Amran: kkkkkkkk , Khadar qosol miidhan baa tahay
Xafsa: kkkkk, waa qosol walee aad
Khaddar: kkk, haa waa qosol laakiin waa xaqiiq oo anigaba hooyaday waa saas sida Cali hooyadii bay guriga iska joogtaa oo maalintii oodhan taleefanka ku hadlasaa aabena maba aragno.
Amran: anigaba hooyaday waaa la mid laakiin iyadu mid bay kaga duwantahay oo maalin walba guriga ma fadhido. Maalmo dhan intay subaxdii baxdo fiidkiii timaadaa oo lacag hagbad\ayuuto bay soo aruurisaa, aabena intuu shaqadii ka tagay oo dhahay dhabarkaa I xanuunaya buu guriga noogu dhex qayilaa marna nagu qayliyaa.
Xafsa: kkkkkkkkkkkkkkk, ala labadiina qosol badnidinaa, anigana I dhagaysta hadaba . waalidkay baa waalidiintiiin ka khatarsan oo koobka qaadaya.
Khadar: koow, adaaba sheeko cusub hayee muxuu waalidkaa qabtaa.
Amran: kkk, xafsa been hanoo sheegin bal .
Xafsa: been maxaa igu khasbaya, aniga hooyaday waa warshad khatar ah oo inay shaqayso ama iskool tagto waydiiday oo sanad walba way dhashaa sanadkii horayse ugu darnayd oo mataano dhashay.
Khadar:kkkkkkkkkkkkkkkkk, istaakhfurullah Xafsa adaaba ugu daran aduunka qosol naqaskaa I qabanaya.
Amran: kkkkkkkk, Xafsa bas naga dheh intaan ka badan ma qosli karnee
Xafsa: waa runtay walahay maxaa ku qoslasaan, aabahayna Soomaaliya markuu joogay macalin ahaa laakiin hada taksi buu wadaa mararna guriguu iska fadhiyaa.
Aamina: acuudu billah, maxaa weeye qosolka intan leeg ma anaa iga xaraabaysanaseen.
Amran: Aamina soo fadhiiso macaanto mayee adiga kaamaanu xaraabaysanayn laakiin inaad masayrsantahay waan oganahay waana ka xunahay.
Khadar: Aamina, may kaama xaraabaysanayne shaqooyinka waalidiintayadu ka shaqeeyaan baan is waydiinanay.
Aamina: camal la’aan baa idin haysa ma is dhahdeen?
Xafsa: Aamina mayee sheekadaa halkaa nala gashaye waalidkaa muxuu qabtaa?
Aaamina: waalidkay muxuu qabtaa, cajiib idinma fahmo sedexdiinan qof
Khadar: kkkkk, Aamina dad la fahmi waayo ma nihine ma masayrkiibaa ku madax maray?
Xafsa: waryaa khaddar gabadha ka qalee, xabiibtii aamina anigaa ku fahansiine waxaan is waydiinanay shaqooyinka waalidiinta soomaalida ay qabtaan. Ka dibna anagaa mid walba waalidkii shaqaduu qabto sheegay kadib iska qos qosolanye adna waalidkaa muxuu ka shaqeeyaa.
Aamina: idinkaaba waalid khatar ah oo shaqeeya haysta, aniga waalidkay shaqadaba waalaga xanaaqaa oo lacagta caydhaabaa mushahar ay shaqaysteen sidiisi loogu qanacsanyahay, ana iskoolka marka la I waydiiyo ardayda been baan u sheegaa oo dhahaa aabahay waa dhakhtar iyo hooyaday waa macalimad.
Amran, Khaddar iyo Xafsa baa halmar qosol isku daray markay Aamina hadalkii dhamaysay ka dib iyadoo yaaban oo isleh miyay kuu heshiiyeen oo kaa xaraabaysanayaan baa xiisadii in la gaadhay lagu baraarugay oo mid walbaa fasalkiisi ku noqday.
La soco Q.5aad
|