9 sano KhadijaHome oo 9jir noqotay 28.nov.2014, Illaahay swt cimri khayr qaba hakuu siyaadiyo. 22. 12. 2014 | najdi | najdi | najdi
Navigation
Home
Photo Gallery
Forum
IlaTali
Dhambaalo Jacayl
Media - Video
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Baro Shakhsiyad
Ramadaan
Jikada-Guriga
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Habaynta Hoyga
Horumarka Nolosha
Qurxinta Jidhka
Habbaynta Nolosha
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Arimaha Bulshada
Murti iyo Madadaalo
Buuga Bisha
Information
Search
About Us
Nala soo xidhiidh
Shuruda maqaalada
Wakhtiga [Caadada]
Miisaanka Munaasibka ah
Events
eShop

Quranexplorer
Halkam Riix

Most commented
Articles
Aniga iyo adiga iyo ... 15
Aniga iyo adiga iyo ... 13
Waxaan rabaa Gabadh ... 12
Maxay rabaan dumarka... 10
Aniga iyo adiga iyo ... 9
Habloow Guurka Fudud... 9
Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
Tusaale unoqo Ilmaha... 8
Kii gafuurtaag ayuu ... 8
Fikrado roomaantik a... 7
Aniga iyo adiga iyo ... 7
Ha isu qurxin ninkaa... 7
Galmada ammaanka ah 7
Aabaha wanaagsan... 6
Aniga iyo adiga iyo ... 6
Hooyada Wanaagsan 6

Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Waxaan ahaa hooyo wanaagsan intii aanan hooyo noqon kahor
WQ: Anisa Sh Ibrahim
31-05-2010
anisa@khadijahome.com

Waxaan akhristay maalin dhawayd buug ku qoran luqada Denishka ciwaankiisuna yahay sidan. Jeg var en virkelig god mor før jeg fik børn oo micnihiisu yahay ciwaanka maqaalkeenan.

Runtii ciwaanka kaliya markaad aragto ayaad markiiba sawiranaysaa arimo badan oo aad ku fikiri jirtay intii aadan hooyo noqon, markiiba maskaxdaada waxaa kusoo dhacaysa Alla maxaan ka seexday oo aan dayacay waajibaadkii ubadkayga, maxaa sidan ii badalay oo iga dhigay hooyo ka fikirta kaliya maxay cuneen ubadkaygii maanta. Sawnigii dadka kale kula yaabi jiray ee u arki jiray inay yihiin dad aan u qalmin inay wax dhalaan. Maxaan dhaamaa maanta, ubadkaygii waxa kaliya ee ay qabtaan waa mar ay iskuulka ku maqan yihiin mar aan ku qaylinayo oo aan leeyahay wax cuna, casharkiinii sameeya, waryaa xasuuso inaad quraankaagii xifdiso iwm.

Intaasoo su’aalood inta ayna maskaxdaada ku wareegin isa su’aal su’aashan, ma adigaa hooyo xun noqday mise wakhtigaagii oo aadan nidaamin ayaa sidan ku gaadhsiiyey. Su’aashaas jawaabteeda waxaad ka helaysaa arimo aad u badan oo kaa qorsoomay, mida ugu wayn ee keentay inaad isu aragto inaad tahay hooyo aan fiicnayni waa sidan. Wakhtigaagii iyo dadaalkaagii oo dhan waxaad saartay sidii aad u raali galin lahayd dadkale kuwaasoo noqon kara ninkaaga ama ubadkaaga ama reerkiina iwm. Waxaad ilowday midii ugu muhiimsanayd taasoo ah naftaadii, mar hadii aad naftaadii ilowday waxaa hubaala in ayna muuqanayn wanaaga aad u qabanayso kuwa kale ee xaqa kuguleh. Hadaba anigoo kaaga soo qaaday buugan toban qodob oo iga cajabiyey waxaan filayaa inaad ka heli doonto sababta aad isoogu aragtay inaad tahay hooyo aan wanaagsanayn.

  1. Isa su’aal : yaana ahay maanta? Ha isku daalin inaad wakhtigaaga qaaliga ah ku lumiso waxaan ahaa intii aana wax dhalin, waayo masoo noqonayso taasi. Ku isticmaal wakhtigaaga iyo dadaalkaaga yaan ahay maanta, wixii tagey wuu tagey.
  2. Xasuuso qofka aadan ahayn. Ma ahi hooyaday. Ma ahi walaashay. Ma ahi saaxiibaday. Waxaad tahay qofkaad tahay adigu.
  3. Samayso jadwal qoyska ah, jadwalkaa ka samayso wakhti adiga kuu khaasa oo aadan badalin, sida aadan u badalayn wakhtiyada aad leedahay dhakhtarka iwm. U sheeg qoyskaaga in wakhtigani adiga kuu gaar yahay aad iyo aadna u muhiim yahay. ( waxaa laga yaabaa inaad markiiba isa su’aasho oo ma nin soomalibaa sidan yeeli oo ogolaanaya tan, ogow in nin soomaligu yahay banii aadam wax fahmaya, hadii si fiican looga dhaadhiciyo oo aad tusto muhiimada ay kuu leedahay, hadiise aad u tusto inuuna muhiim ahayn maxaa siagab daalinaya.)
  4. Dib isu su’aal ereyga GUUL micnaha uu kuugu fadhiyo, hadii hawsha aad u qabanayso qoyskaagu ay tahay mid aad u aragto inay tahay tii ugu wanaagsanayd ee aad awooday, aadna jeceshahay, iyadoo laga yaabo in sidaada caadiga ah ay kuula muuqato mid aan fiicnayn. Ogow guushu inay tahay taas.
  5. Isbar inaad u wanaagsanaato naftaada. Wax fudud maaha inaad hooyo noqoto, u mahad celi naftaada markasta oo ay naftaadu hawl kasoo baxday. Hadii aad naftaada u tudho oo aad u naxariisato dadka hareerahaaga joogana sidaa mid u dhiganta ayey kuula dhaqmayaan.
  6. Dib ugu noqo hadafyadaadii ( yoolkaagii ) aad lahayd intii aadan ubadka dhalin, si kasta oo wakhtigu uu kuugu dheeraado, kolba midii u fufud ee aad ogatahay inaad kasoo baxayso ka bilow.
  7. Qiimo wayn saar wanaagaaga, si kasta oo ay naftaadu kuu cadibto markaad ku qayliso ubadkaaga, u sheeg naftaada inaad tahay ruux wanaagsan, laakiin aad tahay qof banii adam ah oo khaladaadku ay ka dhici karaan.
  8. Markasta oo ay xaaladu kugu adkaato oo aad in yar u jirsato inaad naftaada waydo, aayar shaydaanka iska naar oo Allaah waydiiso gargaar, naftaadana daji oo intaad sankaaga neef wayn ka qaadato kadibna afka kasoo daa neeftii sidaana samee sadex jeer, markastood neefsatana isku day inaad jidhkaaga dajiso. Waxaana muhiima inaad meel degan fadhiisato hadii aad awoodana markaa raac dariiqadii uu ina baray xabiibkeenii Muxamec csw, oo sidan ah. Shaydaanka iska naar oo Allaah swt magan gal waydiiso, kadib xaaladii aad ku jirtay badal, hadii intaasi ku caawin waydo soo waysayso kadibna laba rakcadood tuko. Waxaa hubaala in intaas hadii aad samayso inay ku caawin doonto mar kasta.
  9. Aamin naftaada oo ku kalsoow, maskaxdaadana ka saar inaad u baahan tahay boqolaal buugaag inaad ka akhrisato sidii aad u noqon lahayd hooyo wanaagsan.
  10. Ahmiyada saar inaad ku mashquusho wixii kaa farxinaya ee aan Allaah swt cadho galinay.

Taasi waxay ahayd toban qodob oo aan kasoo qaatay buugan anigoo qodobada u badalay sida inaga anfacaysa hadii aynu nahay muslimiin. Buuga ciwaankiisa asalka ahi waa sidan. I was a really good mom befor i had kids.

Related Articles

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.

Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
abdiaziz
on June 09 2010 00:02:29

Assalamu caleykum

walaal anisa mahad sanid 100% waa 10 qodob muhiim ah Allah subxanahu watacala miisaan kaaga xasanaad haku kabo waxaana ku leeyahay dadaalkaaga meesha ka sii wad Allah ku barakeeyo
umu zak
on May 31 2010 14:44:21

assalamu calaykum

walaal Anisa uxubik filaah,wa ahaniiki dadaalka iyo fikradaha wax ku oolka ah eed mar walbaba nala garab taagan tahay,ilaahay waxaan kaaga rajaynayaa inuu kaa abaal mariyo aamiin.

ukhtii waxaad kaga dhawaajisay wax jira,anagoo ilaahay ka rajaynayna bi.idni laah inuu nagu anfaco dhamaantayo aamiin.

wc wr wbrk

Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.

Khadija Shop
















Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Avocado 4782
Basto & Kaluun (Laks/Salmon) 8398
Shurbada Karooto 6521
Hilib Digaag & Makaroone 7224
Peanut butter & Red Curry Pot 5341
Kuwa u caansan
Basto & Kaluun (Laks/Salmon) 8398
Hilib & Fuul 7851
Hilib Digaag & Makaroone 7224
Shurbada Karooto 6521
Peanut butter & Red Curry Pot 5341
Info.
Categories: 7
Reads: 40117
Halkan Riix Dhamaan qaybaha
Fadlan nagala qayb gal cunta karinta oo u faa'iidee walaalahaa.

Latest 20 Articles

Buuga bisha
Buuga u caansan
 Quick & Easy Dinners
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...

Looking for something special?
Use search!

Random Photo

4,133,916 unique visits