najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Nuurka wajigeeda ayuu la dhacay " waa qiso runa " " Qaybta 4aad " Dhamaad
WT:Khadijahome

Isla markiiba waxaan guda galay inaan ka daydayo guriga... gurigii madoobaa ayaan aayar sii dhex socday........ waxaabad moodaa inaan maqlo cod gaaban.... codkiibaan sii raacay... codkiibaa dhagahayga kusoo noq noqonayey anoo aayar kolba usii dhawaanaya.... waxaan sii socdaba waxaan maqlay cod quruxbadan oo aanan waligay maqal oo akhrinaya qur’aanka... waxaad moodaa inuu codku kasoo baxayo qolka igu xiga.... isla markiiba waxaan usoo dhaqaaqay qolka uu codku ka imanayey.... qolkiibaan eeg eegay.. waatan taagan ee tunaysa, iyadoo gacmaheedo kor u qaadaysa si ay u ducaysato... meeshaydii baan ku dhagay haybada ka muuqata darteed....

Ilaahayoow!... intayna iyadu isu ducayn anay ii ducaynaysaa.... dalabkaygii ayey ka hor marisay keedii.. waan qoslay.... waan ooyey... dareen aanan qiyaasi karin ayaa igalay.. indhaheedaan ka dareemay naxariis anoo aad u fiirinaya... ilmo aan xad lahayn ayaa kasoo burqaya indhaheeda... waatan say u ooyeysay ducadii kasoo bixi la’... waatan ducada sii wada iyadoo murugo iyo tiiraanyo buuxisay... cod keeday kor ugu sii qaadaa ducada iyadoo ku cel celinaysa ducada.... hadana intay joojiso ayey ku noqotaa oohinteedii aan qiyaasat lahayn... oo hineedii ayaa qalbiga igoysay.. wadnahaa aad ii garaacay... gacmahaa i wada gariiray.. lugahaygiibaa dhulka ku dhagay...

 

waxaan idhaahdaan garan waayey anoo leh... Ilaahayoow iinaxariiso... naxariistaada rabigayoow... halkeen kaga maqnaa mudadaas oodhan xaaskayga.. xaasakayga naxariista badan... sabirka badan.. wax kasta oo aan uga baahdo maalintii way isiisaa.. marka gabalku dhacana kaligeed ayaan kaga tagaa gurigan cidlada’ah... markaan kasoo noqdo cawayskayga iyo fusuqayga.. waxaan usoo noqdaa iyadoo habeen badhkii Ilaahy ii baryeysa...aaaah.. kala fogaa nafteedan markasta ku jirta raali ahaan shaha Ilaahay iyo nafdaydan hurdada jecel ee macsiyada dhex dabaalanaysa.

 

Wuxuu yidhi isagoo sii wata hadalkiisii. anoo wali xaaladaas ku jira, waxaa iga soo dareertay ilmo.... madaxayga ayaan hoos u dhigay.. waan ooyey.. aad ayaan u ooyey.. ilamadii ayaa iwada qoysay... waxaad moodaa inay soo maydhay danbiyadaydii oodhan... waxaad moodaa inay qalbigayga kasoo wada saartay wixii fasahaad ku jiray oodhan... indhahygii ayaa oohin joojin waayey, anoo awal ahaa midayna ilmo kaliyi kasoo bixin.... garan maayo waxaan la ooyayey ma qiiro aan uqiirooday xaaladaydaa... mise inuu ilaahay miskiintan ku imtixaamay noocayga oo kale... mise farxad aan ku faraxsanahay mawqifkan aan imika ku jiro kaasoo ku tusaya wanaaga iyo taqwada ka muuqata xaaskayga...

 

aaaah Rabigayoow.. aduun yadiibaa igu soo cidhiidhi noqotay.. gabadhan ayaan la yaabanahay.. markastoon soo galo guriga waxay igu soo dhawaynaysaa farxad iyo kool koolin... hadaan guriga ka baxana waatan iyadoo qiiraysan ii ducaynaysa.. Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxaabad moodaa inay saacad ii hibaysay kansiyada aduunka oodhan... waxaan jeclaaday jacayl qalbigayga iyo anoodhanba i hantiyey... damiirkaygoodhan ayey hanatay... dareenkayga oodhan ayaan siiyey..

Daqiiqado yar kadib waxaa la adimay salaadii subax.. waan soo baxay anoo wali suuradeedii indhahyga ku jirto... waxaan tukaday subaxaas anood moodo inaanan waligay hore u tukan salaad noocaasa... habeenkii madoobaa ee aan ku noolaa ayaa iga tagay .. waxaa iisoo baxay qorax iyi nuur cusub oo idaahiriyey.. waxaa ii waabariisatay ruux cusub... kaasina wuxuu ahaa bilowgii nolol cusub.

 

Wuxuu usoo noqday Rabigii isagoo la yimid tawbad nasuuxa, taasina waa fadliga Ilaahay siiyey inuu ku arsaaqay xaas wanaagsan oo saalixada.. xaaskiisii usoo jiiday dariiqa wanaagsan ee Ilaahay.. iyadoo ku tustay dariiqaas ficilkeedii wanaagsanaa.. ilaa ay qalbigiisa ku yeelatay boos wayn kaasoo usoo jiiday dhinaceeda iyo dariiqa saxda’ah... wuxuu guda galay inuu dalbado cilmiga, isagoo ku xidhmay duruusta iyo masaajidada Ilaahay iyo Qur’aanka.

 

Sanado kadib.. isagoo wali ka hela dhiiri galin xaaskiisa barakaysan.. waxaa lawada arkay isbadalka wayn iyo meesha wanaagsan ee uu kolba kasii gaadhayey cilmiga ilaa uu kamid noqday culimada reer Madiina ee caanka’ah... wuxuu markasta ku cel celin jiray marka su’aal laga waydiiyo muxaadarooyinkiisa sida uu ku tawbadkeenay, waxaan ku faanayaa inay xaaskaygu sabab u ahayd tawbadayda iyo wanaagan aan ku jiro, waxayna ii tahay sharaf iyo kufaan taasi....

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Qoyska qiso

Top 5: Qoyska qiso

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Info.
Categories: 7
Reads: 2476
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,369 unique visits