|
WQ: Najma Saciid 2009-02-06 najma@khadijahome.com
Guurkii barakaysnaa:
Imam adahabi wuxu yiri wuxu la aqal galay Rasuulku SCW,sanadkii 4aad ee hijrada waxay zowja u noqotay Rasuulu laahi scw, waxay xanbaartay howshii gurigeeda iyadoo u qabanaysa sida ugu wanagsan ee laga rabo haweenay walba oo muslimad ah waxay ku dadaashay sideey u galin lahayd Zowjkeeda qalbigiisa farxad ulana wadaaagi lahay farxad iyo murugaba , dhacdadii xudeybiyah markii musliimnta loo diiday inay cimreystaan ayuuu rasuulku amray inay sameeyaan waxay niyayteen ee ay u soo baxeen lakin saxaabadii ayaa ka dhaga adaygay iyagoo raba inay Makkah galaan, markaas ayaa rasuulku isagoo murugaysan wuxu u soo galay xaaskiisa, una shegay wixii dhacay waa taan hore u soo sheegnay caqligeeda waxay siisay talo ku haboon waxayna ku tiri Yaa rasuulu laah,
Bax adoo cidna la hadlin ka dibna gowrac ka dibna u yeero midkii kuu xiiri lahaa tinta , saxaabadii markay arkeen wuxuu sameynayo Rasuulku scw, ayay ka daba sameeyeen Alaah khayr iyo wanaag hakugu bedelo Yaa ummana waxaad sameysay iyo taladada wanagsan Wanaag iyo khayr fara badan,, intaas kaliya mahee waxay ahayd Ummu salamah RC. mid naxariis badan jecelna inay basharka dhan farxad galiso qalbigooda Saxabigii abuu lubabah markii Rabbi ka toobad aqbalay waxay ahayd qofkii ugu horeyey ee u bishaareysa iyadoo rasuulka scw,. Ka dalbatay inay u bishaareyso , rasuulkuna u yeelay, waxay nasiib u yeelatay inay aragto Jibriil calayhi salaam.
Meeshay ka joogtay rasuulka lagama warami karo iyo qadarintii uu u hayay kaligeed mahee dhamaan xaasaskiisa iyo wanaguu kula dhaqmi jiray iyadoo ka shekaynaysa mucaamaladii wanagsaneyd ee rasuulka kula dhaqmi jiray waxay tiri, wuxuu haa Rasuulku salalahu calayhi wasalim mid I dhunkada isagoo sooman iyo markaan xaydka qaboba , waxana ku wada mayran jirnay hal weeel jinaabada.
Waxaa lagu tirin jiray inay ka mid ahayd (Fuqahada) saxaabiyaadka kuwa aadka u fahmay diinta sideeysan u gaarayn maqaamkaas sareeya iyadoo ka qaadatay quraanka iyo sunadaba Afka xabibulaah Muxamed salalahu calayhi wasalim , waxay ka mid ahayd saxaabiyadka la waydiiyo fataawada qaar gaar ahaan fataawada ku sabsan dumarka . ibnu cabaas RC. Ayaa mararka qaar dad u diri jiray si ay u soo waydiiyaan axkaamta qaar.
Waxay ka warisay Rasuulka salalahu calayhi wasalim 378 xadiis
Waxaa la gaaray waqtigeey sagootin lahayd aduunyadaan: waxay ka mid ahayd ummahaatul muminin kuwa ugu cimriga dheeraa . waxay noolayd ku dhowaad 90 sano, waxay soo gaartay khilaafadii barakaysnayd ilaa cahdigii . Yaziid bin mucaawiyah.. Imam dahabi wuxuu yiri waxay ahayd qoftii ugu danbaysay ee umahaatul muminin dhimatay.. waxay dhimatay 61 Hijriga sideey u badiyeen qowlka ahlu cilmiga , sidaaseey aduunka uga tagtay Hooyadii mumininta Ummu salamah si ay u noqoto zowjadii rasuulka SCW, janada dhexdeda janadaas ay taal waxaan ili arag dhegna maqal qalbigana aan ku soo dhicin , Allah ka raali noqdo hooyadii mumininta janatul firdowsna ha geeyo aamin aamin aamin.
Maxaan ka faaiideynaa markaan akhrino qiso kamida qisooyinka saxaabada? maxaa nala gudboon ?sideen ugu dayanaa dariiqoodiina u raacnaa aan is waydiino su.aalahas iyo kuwo la mida iskuna dayno inan ka jawabno.
Wixii aan saxay waxaa I waafajiyay Rabbi subxanah wixi aan khaldayna waaa shaydaan iyo naftayda. Allah ha inaga yeelo kuwii ku dayda salafkoodii wanagsanaa kuwaasoo fahmay in noloshu tahay diinta oo si fican loo qaataa wasalamu calaykum waraxmatu laahi wabrakatuh
|