|

WQ:Hodan Hussein Sugulle December 8, 2006 hodan@khadijahome.com
Waxa ka mid ah xaquu allaah kugu karaameeyay … in aadan ku caasinin..
Ku caasinta ugu weyn waxa ka mid ah.. sunashaasha ood xiirtid ama aad jartid!.. waa xaqiijin loo xaqiijiyay ibliis waciidkiisii markuu allaah ku yiri( waxan amrayaa in ay badalaan abuurkaaga)..jarida la jarayo sunayaashana waxaa ka sugan Naclad! (magaranaysaa waxay tahay Naclad? Waa raxmada rabbi oo lagaa fogeeyo!)
Waxa rasuulka ka sugnaaday SCW inuu yiri (( Ilaahay ha naclado mida jarta suniyaasheeda iyo mida u jartaba kuwaasoo badalaya abuurista allaah))..
Sidee baad ugu ban baxaysaa Naclada Rabbi… adigoo waydiisanaya Dambi dhaaf salaadaada dhex deeda.. waxaad burinaysaa hadalkaaga oo ficilkaaga ku burinaysaa!! Suniyaha oo la iska xiiraa waa shabahid la shabahayo Gaalada.. hana ku kajmoowin yacni ku sirmin dadka badan ee sameenaya adiga camalkaga ayaad mas’uul ka tahay..sidaad dhabarka aabahaa ugu aheed kali.. kadibna caloosha hooyadaa aad ugu ahayd kali.. adigoo kali ahna dhalatay.. adigoo kali ahna aad dhiman doontid… adigoo kali ahna lagaa soo sari doono qabrigaaga.. jidka siradna aad mari doontid adigoo kali ah… allaah aad hor istaagi doontid adigoo lagu su aalayo adigoo kali ah..
Wuxuu allaah oranayaa kor ahaaye:( wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan wuxuu u imaan Eebe isagoo adoon u ah. Wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro. Dhamaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo kali ah.)(suuratu maryama aayada 93-95)
Hadaba walaashayay qalbi adkidaa oo u adkeesan badnidaa in Naxariista rabbi lagaa fogeeyo?! Waayo waxaad maqlaysaa oo laguu sheegayaa waxan waa xaaraam kadibna waad sahlanaysaa ood samaynaysaa adigoo waliba leh waan ogahay! Waa arin laga murugoodo waana fahmid daro aan la fahmin macnaha Raxmada Rabbi! Nacam waayo hadaad dhab ahaan u fahmi lahayd oo ay u daadagi lahayd qalbigaaga way kula waynaan lahayd waadna ka carari lahayd.. Ilaah baan ka magan galanaaye Asxaabu Saciirah ayaa oranaya(( Hadan ahaan lahayn kuwa wax maqla ama caqliyaysta oo waxa loo sheegayo ee xaq ah qaata ma aanan ahaan lahayn Asxaabu saciirah)) suutaru mulk. Saciira waa Naar ka mid ah Naaraha uu allaah u sameeyay adoomadiisa cisyaanka badan ee aan qaadan una dhaga nuglayn aayaatkiisa lagu dul akhriyo habeen iyo maalin… Allaan ka magan galnay caradiisee..
FG:waxaan ku waydiinayaa marka aad jaraysid suniyaha iwm ma waxaad leedahay Allaah ima qurxin ee anaa is qurxinaya?! Wal cayadu bilaah,, Hadaba maxaa kaloo lagu fasiran ficilkaaga? Ileen Allaah baa na wada abuuray oo na dhaymastiraye, inagoo qof dhan ahna si sahlan nooga soo saray Calooshii hooyadeen,,In badan fikir kana fikir ficilada aad samaynaysid inta aadan samayn, Soomaaliduba waa ta dhahda(Ka fiirso Intaadan Falin) waana kaala dardaarmayaa shay aad ogaatay xaaraam nimadiisa in aad ku dhiirato oo aad iska dhaga tirto, Sawiro adigoo Xaaladaa ku dhinta!
|