najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Inta aadan Rabbi caasin Ka Feker .

WQ:Najma S Cabdi
February 14, 2007


Allah Ayaa  iska leh mahad dhaman Naxariis iyo Nabadgalyo ha ahaato Korkiisa Rasuulkeena  Subanaa (scw) Intaa ka dib

 

Intaadan Rabbi caasin qof walboow  ka feker arimo badan oo aad  qaafil ka tahay  , laakinse xususin mudan ,  mar walba inaa qalbiga ku hayso ah ,

Alaah oo la caasiyaa waxaa ka imaanaysa  dhibaatooyin badan ,  macasidu waxay qofka dhaxalsisa  qalbiga oo ka madoobaada  , (Inal Macaasii Tumiitul Qalbi) marka uu qofku ka madoobadadana waxaa dhacda   inuu qofku kala garan waayo wixiii xumaa iyo  wixii samaa,  siduu noo sheegay Rasuulka ,(SCW)  inuu qofku markuu macsida Daaimo oo uu joogteeyo , mid markuu ka baxana mid kale guda galo. waxaa qalbigiisa ku  sameysanta  dhibic madoow  .haduu ka toobad keeno waa laga tiraa hadu ku noqdana sidoo kale waa lagu qoraa  , markuu joogteeyana waxaa dhacda inuu qalbigii ka madoobadaa  , markaasna noqdo , qof  aan  kala garan wanaag , iyo xumaanba , . waxaa  kaloo ka mida  dhibaatooyinka macsida    , Inuu risiqii ka yaraado ama nicmadii uu haystay waayo, sida la yiri,(Inal Macaasii Tuziilu Nicam) , Tasna waxaa cadeynaya sideey culumadu shegaan , in Nabi Adam, (CS) Markii hore inuu ku dhex jirey Barwaqo iyo janada ,  ka dib markuu cunay  geedkii  la yiri ha cunin shaydankina u qurxiyay  in laga soo saarey  wuxuuu ku sugnaa , ,

Waa hal macsiya , inaguna intaa waxan dhax dabalanaynaa macaasi ,   inagoo waliba yareysanayna  oo leh , waa la iga macsi badan yahay ,  ma anaaba wax sameeya .  Macsidu yareysi ma leh walalayaal , waaayo  hadaa yareysato oo tiraahdo   wax weyn man sameyn  waxay ku gaarsiinaysaa inaa  marka danbe tan weyna kula yaraato , ha eegin marna Macsida yaraanteeda  ee waxaad eegtaa  Kan aad caasinayso weynaantiisa , Subxaanah,,

Waxay kaloo keentaa Macsidu . Khaatuma xumo. waxaa dhacda in sidaa ugu dhex jirtid oo aad u dib dhigeyso Towbada kuu yimaado Mowdkii, halkaana  aad ku dhimato adoo ku dhex  jira  ,   qofkna waxaa lagu soo saaraa wxuuu ku dhintay ,

Waxay kaloo keentaa macsidu Xifdi xumo , qofka caasiga ah aanana ka toobad kenin  waxaa la soo darista  inuu ku adkaado   fahanka iyo wax     xifdinta , siduu yiri imam shaafici (R C)wuxuu yiri

((Shakowtu  ilaa wakiicin  lisuu.i xifdii Fa.arshadanii . ilaa tarkil macaasii ,  , fa,akhbaranii .inal cilma nuurun wanuuru laahi laa yu.taaa bicaasin..))

wxuuu yiri  waxaan u cabtay   wakiic  oo ah  macalinkiisi, waxana uga shegtay xifdi xumadayda , markaasuu ii shegay inan ka tago  macaasida  wuxuuna ii shegay in cilmigu nuur yahay  nuuurka Allana aan la siin qof caasi ah, Alaahu Akbar, waa kee kaa ka sheganaya  xifdi xumo iyo caasin , waa imam shaafici, xagee jognaa anagu xagee joognaa , Waan wada   garanaynaa qofka uu yahay Imaam shafici ,  miyaanan anagu mudnayn inan ka sheegano xifdi xumadeena  iyo caasintena  aan  xadka  lahayn  , maalin iyo habeena socota , Haa walaahi Anagaa mudan taas ,  qof walbow is waydii   muxuu quraanku kugu adag yahay  waxyalaha kaleba kuguma adkee  sidaa u xifdid waad aragtaa, is waydsii qof walboo naga mida   jawabtana waa heli  doontaaye, Waayo  quraanku waaa nuur ,  Nuurka Rabina lama siyo qof caasiya

Walal inta aadan Rabbi caasin ka feker.Koonkaan dhamantiis   waxay  adecsan yihiin   Rabbi  Buuraha , baddaha , cirka dhulka  ,  Malaa.igta , waxay dhaman u sujuudaan Rabbi, dhaman warkama soo celiyaan amarkiisa   ,kama daalaan  Tasbiixda   ay Rabbi u tasbiixsanayaan ,  wixii Rabbi faray way sameyeen ,   waxay dhaman madaxa hoos  isugu dhigaan waa Allah Subxanah.waxay isku duleynayaan waa Alaah iyagoo ictiraafsan fadligiisa . . laakin waxa maaro loo la,yahay waa Insaaankaan  Daciifaka ah  makhluuqaadkaas oo dhana ka liita.  laakin wax is mooday  ,laga abuuray  Nudfo , dood  iyo murana la soo taaagan intaa   laguna kari la .yahay  , Rabbi adeec  oo warkisa maqal,  dhaman Makhluuqadkaa waxay marayaan  jid isna jid kale ,  waxaad arkaysaa isagoo salaadii  lagu kari la,yahay,ama waqtigeedii ka dib dhigaya,  isagoo ku mashqulsan aduun,  iyadoo dhaman makhluqadka Alaah abuuray ay intaa u tasbixsanyaan rabbi, waxaa lagu kari , la,yahay dikrigii  iyo tasbiixdiii adeecidii Alle, ,,, Alaah Akbar , maxaa ka kadsoomid badan . maxaa ka doqonimo badan , maxaa ka liita .markuu  noqday mid ka falaagoobay Rabigiis.  noqdayna  mid Ibliis uu u qabtay hoganka  Talaabooyinkii shaydankana marba mid  u Talaabay,,,.

Imisaa loo soo bandhigay inuu Rabbi adeco .imisaa loo soo bandhigay inuu Rabbi usoo noqdo. uuna ka sii ordayaa , imisaa loo soo bandhigay Rabbi inuu u  soo jeesto uuna ka sii  jedinayaa madaxisa isagoo Is kibrinaya ,, Walal inta aadan rabbi caasin  oo aadan gaarin  .aadana u noqon  Asfala Saafilin , isagoo Alaah kaa abuuray  Fii Axsani Taqwiim.  waxaa lagama maarmaan ah inaa ka fekerto  aduunkaan iyo  siduu u liito .  iyo degdega uu ku dhamanayo  waxa kugu haboon   inaad ka fekerto  aduunyada iyo dadka jecel  say   u cadaabto  una dhadhansiiso noocyada  cadaabta .  ,ka qoslinaysa in yar kana oohisa in badan .,  iyagoo ku sakhraansan jeceylkeda  , kuna dhinta  iyagoo  raadinaya  iyada  uun  ilaawayna  Rabbigii abuurtay,

Walal inta aadan Rabbi caasin ka feker.  aakhiro  iyo baaqi ahanshaheeda   iyo inay   tahay nolosha dhabta ah ,  ehelkeda kama guuraan , waa gurigii nagaanshaha ,  waa meshii safarka loo ahaa ee geediga loo ahaa safarkuna ku dhamanayay, Intaadan Rabbi caasin  ku feker.  naarta  iyo shidaalkeda  iyo dabkeda  iyo gun dheeraanteda ,   iyo kuleylkeda iyo cadaabteda , Wal ciyaadu bilaah,  ka feker  ehelkeda   iyadoo loo jidayo xageda   iyagoo waji madow,  luquntana silsilado uga xiran yihiin, marka albabkeda loo furana  ayna arkaan  muuqalkedaaa jirku ka jiririconaayo aadkana u xun  ,qulubtoduna ka murugoonayso caqliguna ka tagaayo,  markaana qoomamodan , waase marey wax tareyn qoomamdodu   iyo oohintoodu ,ka  feker  ehelkeda  iyagoo kuleylkaa ku dhex jira  wajigana lagu jiidayo, jahanamana looga labisaayo  haday haraadaan oo biyo dalbadana   la siinaayo biyo kulul,  mindhicirkana  googoynaya ,  markay aad u gubtaan oo cabaadana  oo yiraahdaan ilaahow naga saar mar uun waxan sameynaynaa camal wanagsan oo aann hore u sameyn jirin , markaana lagu yiraahdo  miyuusan idin imaan mid idiin diga,    iyo wax   wax idin sheega  ,  Balaa wuu u yimid ee  iyagaa  , dhagaha fureysatay diidayna inay maqlaan khayrka iyo wanaaga , miyeysan kuu fiicanayn intaadan xaaladaa gaarin inaa hada   diyaarsato waxaad  uga badbaadi lahayd xaaladaa xun   ee aan la sawiran karin xitaa , ,maqashidna  Rabbi amarkiisa     caasintaaan aad ku dheeraaatayna ka soo laabato , si Alaah  kugu bedelo xumaantii oo dhan wanaag ,  khayr  aduun iyo mid aakhirana aad u hesho ,

Inta aadan Rabbi caasin  ka feker  , janada     iyo wuxuu Rabbi u diyaariyay  dadkeda iyo kuwa adeeca   warkisana maqla  waxaysan Il arag ,dhagna maqal ,qalbina aan ku soo dhicin , Raaxo tii u Sareysay  ayaa loo diyaariyay  Ahlu janada , qof walboo naga midana waa jecel yahay raaxo,  laakin qof walba waxaa ku haboon inuu is waydiiyo sidee ku heli kartaa  raaxadaa , Jawabtu waa  sahal Waa  adigoo Rabbi amarkisa qaata  anana ka  soo celin war  , Yirahdana ,  Rabiyow  ku maqlay  Kuna  yeeelay, Raaxo walba haday waqti go,an leedahay lama dhihi karo waa raaxo   waayo waa wax go,aya,    oo aadan ku jireyn waligaa  , laakinse tan Janada waa ka duwan tahay ,   waaa lagu waarayaa , lagama guuraayo lagamana geeriyoonaayo , lagamana  gaboobaayo,  Allaahu Akbar  , ilaahow  janadada  nagu maneyso , amin,

Wax lagu raaxesyto oo dhan  haday tahay cunto haday ahaan lahayd cabitaan iyo dhar,  iyo wax Walboo  nafta farxad  galiya  Indhuhuna ku doogsadaan buu Rabbi dhigay janadaa  ka feker janada  caradeeda   miskiga  ah,  dhismayaasheda     dahabka iyo fidada  iyo LU,lU a , ah ,  cabitaankeda ka macaan  malabka  ,  udgoonkedu yahay misk,  kana qabow kaafuur, hawenkeda  hadii loo soo  saari lahaa  mid  ka  mida wajigeda aduunka  ay iftiimin lahayd sida qoraxda , Allow Meshaa kuwii aad ku manaysato naga yeel , camalkii  na garasiin lahaana kuwa ku sameeya aduunka naga yeel amin. , khamro aan lagu sakhraameyn , adegayaal   u eg , LU.LU. la daadiyay.  faakiho aan  kala go.ayn loona diiidayn .  waxaa intaa kaga daran Xuural caynta ,,Maxaad ka ogtahay Xuural cayta,, Sariro  korkood bay iskaga shekaysanayan ,  Qof walbow  intadan Rabbi caasin bal xasuuso nimcooyinkaa      iyo sidaa ku heli lahayd ,  kuna dadaal    inaa ka soo laabato macsiyo walba   si Alaah kuu geeeyo  barwaqadaa iyo janadaaa qaaaliga ah ,Janadu waa qaali wxiii qaali ahna waxa  lagu  helaa waa dadaaal iyo daaacad joogto ah ,

Waxaa laga yabaa in  markaa kaligaa tahay ay naftaadu kugu yeerto macsi kuna tiraahdo qof ku arka maleh ,  waxaan wada  ognahay in qof walba uu la dhuunto markuu wax  xumana sameynayo , in yar mahee ,   , dadkaa may ilaaween inuu Allaah yahay kan arkaaya     ayna ka qarsoonayn wax walba  kuu jeeda markaa xumanta sameynayso,

Cali (RC) Ayaa Wuxu yiri hadal sidaan ah ,(( Ka baqa maxaarima Laah inaa ku talaabsataan  yacni wuxuu , Rabbi idinka reebay , markaa kaligiin  tihiin , waayo kan kuu jeeeda waa  kan ku xukumi doona , , Tusaale ,  hadii qof danbi  galay la soo taago maxkamad  markaa   markii la soo istaajiyay si wax loo waydiiyo   uuba yahay qaadiga kan arkayay markuu sameynayay danbigaa ama jariimadaa ,  waxaa dhacaysa inaanba la waydiin  waxba  waaayo qofka  markhaatiga ah ee arkayay ayaaba ah ninka xukuma maxakamdiiba ,, Walilaahil Mathalul Aclaa,   ka waran kan ku arkaaya haduu yahay Alaah   aysan waxba ka qarsoonayn ,     yahayna kan ku xisaabin doona ,  miyeysan kugu haboonayn qof walboow inaa iska ilaaliso Aragtida Rabbi , aadna ka xishooto Aragiisa  iyo inuu kuu Jeedo. qof walba waxaa ku haboon inuu ka xishoodo Rabi((Idaa maa khalowta dahra  yowmin  falaa taqul khalowtu walakin qul calaya Raqiibun ))   Markuu is yiraahdo cidna kuma arkaysana  xasuusto   ,,    hadaa meel cidla ah  jogtid  ha is oran kaligaa baa tahay waxaa rabtana sameee cid ku arkaysa ma jirtee  laakin xasuuso in Malaa.ig ku dul saaran tahay qoreysana wax walba  waxna  iloobayn

Walal inta aadan Rabbi caasin ka feker Waayo ?midkaa caasinayso, Ka feker Alaah inuu yahay  kan ku abuuray Sayidkaga iyo Mowlahaaga ,  Inta aadan caasin  Rabbi ka feker  waynantiisa Rabbi. Jamaalkiisa  dhameystirnaantisa ,  Cizadisa iyo sharftiisa ,  awoodiisa iyo sareyntiisa  uu ku dul sugan yahay carshigiisa ,  ka feker inuu yahay Qaahiran   fowqa cibaadihi inuu yahay mid ku kali ah maamulkisa  iyo boqortooyadiisa  , inuu yahay mid wax Amra  waxna reeba ,  midka soo direy Rususha ,  soo dajiyay kutubta ,   mid ka abaal mariya kii wanaaga sameyay  iyo kan xumaanta  sameeyayba ,  mid ka raali ah kuwa adeeca  ,  una carooda kuwa caasiya ,  mid ciqaaba kuwa caasiya  Raalina ka ah kuwa adeeca ,  midka qofkuu doona sharaf u yeela , qofkuu doonana duleeya,  mid u naxarista  una danbi dhaafa marka laga dalbado,  lana waydiisto danbi dhaaf,  Allaha  yeela  aqbalana  kuwa wax waydiista , Rabiga sifatkaa oo dhan leh   kaama mudna inaa caasido ama Awaamirtiisa ka madax adeygto,,, waxa waaajib kugu ah inaa  xasuusato inuu Rabi ka Weyn yahay  wax walba  ka sharaf badan yahay  wax walba  ka  mudan yahay wax walba ,  ka aqoon badan yahay wax walba  wuxuu maqlaa  codadkooda kala duwan luqadahooda kala duwan   wuxuuu ogyahay kala duwananshaha  baahidooda dhaman ,  mid walba wuxuu u baahan yahay siiyaa , wuxuu ogyahay waxay qarsanayaan dadku iyo waxay muujiyaanba ,  wuxuu  arkaa Quraanjada ku socota habenka madow   dhagaxa madow  ee sulubka ah ,   wax ka qarsoon ma jiro , Rabbiga intaa oo sifo ah leh  see u caasisaa  Qof yahow una diidaa awaamirtiisa   adoon waxba ahayn laakin wax is  mooday, ,,,

Qof qalboow imisaa noolaanaysaa   60sano, 70 sano , 80, 100sano,  ka dibna maxaa xiga  waxa xigaa waa la wada ogyahay Waa Mowt. mowtka ka dibna   waa  jano iyo barwaaqded  ama naar kulul iyo   biyaheeda kulul ,Ilaahay baan ka magan galneee,  q,of walbow ogow in mowtku sida qayrkaa uu ugu yimid inuu adna dariiqa kugu soo jiro ,  ogow si kastoo noloshu u dheeraato inay tahay mid dhamanayso maalin ,  waa Ayaamo iyo sanado  iyo daqiiqado,  ka dibna waxaad noqonaysaa  kaligaa asxabtii ,  ehelkii maalkii ,ma jiro doono waa kaligaa iyo camalkaaga ,

Bal sawiro isagoo  uu kuu yimid  Malakul Mowtkii  naftaadana ka soo bixinaayo lugahaaga .  xususo mugdiga qabriga   iyo cidladiisa .  xususo labada  malag sidey u egyhihiin.  markay ku soo fariisiyaan kuna waydiiyaan,  Su.aalo kuwaasoo hadadan hader  diyaarin jawabtooda ay kugu adkaanayso inaa ka jawaabto  markaa ,,,   xususo  siduu noqon doono jirkaagu  wuxuu  u noqon doonaa cunto waa aboorka , ka dibna  la afuufo suurka  waa dhawaqii  Rabbi la iskugu soo bandhigi lahaa  , markaana aad maqasho mid dhawaqaya  qalbigaaguna  duulo,  madaxuna ciroobo,  aad na soo baxdo adoo caga cad  qaawana ,  imisaa oranaysa Alla shababnimdaydiiyeey , imisaa oranaysa   kuwa gaboobay Alla gabowgaygiiyey, Qof walbo Maxaa Rabbi ugu jawaabi doontaa markuu ku waydiiyo  maxaa ku sameysay  shababnimadadii  cumrigagii dhamaan ,  maaalkaagii, , maxaa camal soo hormarsatay,  maaxaa ugu talagashay maalintaan  oo kale  oo aad u soo diyaarsatay,  markuu ku dhaho  maxaa iskaga kay ilaalin wayday ?  maxaa  iiga xishoon wayday ,   ,? waa su.aalo adag uuna ka jawabi karin qof  hader jawaabtedii  sii diyaaraiya mahee ,  walal, miyaadan u sabreyn maalmahaan yar ee nolosha aduunka daaacada  Rabbi   iyo inaa macsida iska ilaaliso , si aad ugu guuleysato  guushaa weyn   ((Faman suxsixa cani naar wa,udkhilal Janata Faqad faaz))  iyo raaxadaa   iyo barwaaqadaa joogtada ah

Macsidu Si walbay u weyntahay  waxaa ka weyn   Rabbi ajarkiisa iyo abaalmarintiisa hadaaa  ka soo laabato ,  Insanka caasiga ahow ogow inuu rabbi kaa jecelyahy  waalidkaa, walalkaa ,  kuuna jecel yahay sida hooyada u jeceshahay ilmaheda iyo si ka daran ,    waxaa laga yaaabaa in waaalidkaa marka maqli waydo warkooda   ay   kugu sameyaan waxyaalo qaar , sida inay kaa goyaan masruuf ay ku siin jireen , si aad uga soo laabato madax adaygaga  una maqasho warkooda ,  waxaaba dhacda qaarkood inay ku eryaan kuna dhahaan gurigeena ha  naga imaan hadaa warkena maqlayn  , waxan ku dhahanana yeelayn  iyagoo ula jeda    inaa ka soo noqto  ,  waxad sameynaysid , Laakin Rabbi adoo intaa caasinaya lagama yaabo   inuu kaaa gooyo  nicmooyinkisa faraha  badan ee uu kugu manaystay    isagoo awooda wax walba    waayo isagaa ku abuurtay   kuna og daciifnimadad   kaaana  jecel xitaa waalidkaa ,  Markaa  ma inaa caasidaa Rabiga sidaa kuu jecel , mise inaa  adeecdo ma inaa ka orodaa mise inaa xagiisa u soo cararto

Insaanka leh Nafsii Washaydaan Wal hawaaa  ,  maxaan sameyaa shaydaan baa igu xarira  naftaydaa jecel waxaan ,, ,  hawadiisa iska raaca ,, ogow   naftu  inay mar walba amarto xumaan ,  shaydankuna cadow kuu yahay, hawadadana aadan ka dhigan Rabbi    ,

Qalbiga oo macsida laga  ilaaliyo  waxay dhaxalsisa qofka  inuu   qalbigiisu Nuuro   uuna kala garto    mar walba waxa xun iyo waxa san   , markuu shaydan soo weeranana   qalbigaa nadiifka ah  ee ka Nadiifka  ah macsi   , kuna nuuraya daacada Rabigii , wuu gartaa  in  waxa   waswasinaya inuu shaydan yahay oo xumaanta u qurxinaya  markaasuu xasuustaa  kana digtoonada naftisana ka ilaaliyaa Talaaboyinka  shaydanka inay sii raacaacdo,   qalbigase la madoobaaday Macsida     makala yaqaan   waxa soo weeraray wuxuba yahay  ,   iyo inuu ku socdo Talaabooyinkii shaydaanka ,,,,

Mid  walboo Rabgis Caasiya ilaa goormaad ku jireysaa Macsida  ? Ilaa goormaad dib dhigeyaa Toowbada  ? Ilaa gormaaad  ka soo hareysaa Talaboyinka  shaydaanka ee aad daba socoto ,  Ilaa Goormaad shaydaan adeecaysaa Rabigaana caasinaysaa ?  ma marka dhibato ku hesho, mise intaa fayowdahay, ma marka  qof dhinto oo aad xasusuato  dhimashada ,  ma marka aad geeri qarka u saarnaatid ,  Goormaa lagaa maqli doonaa  Rabiyow ku maqlay kuna yeelay,  mise    waxaad  wali ku dhegan tahay Samicnaa Wacasaynaadii aan kugu ogaaa  , Soo lama gaarin markaad  dhihi lahayd  Rabiyow in badan baa ku caasiyay adigaase ah midkan rajynaayo  inuu ii dhaafo waxasoo dhan iiguna bedelo xumaantii wanaag Rabiyow sidaa ii asturtay Aduunka aakhirana  ii astur,  Rabiyow adaan  gacmaha kor kuugu taagay   ha igu soo celin mana tihid mid soo celiyee ,  Rabiyow Macsidaaa badan ee an sameyay  iigu bedel wanaag,  Rabiyow ii danbi dhaaf ma dhaafo danbiyada adiga mahe ,  kamana quusan Rabiyow Raxmadada  iyo  fadligaga weyn   Mana ka quusto Raxmdada   daalimiinta mahee ,   waxaan rajyanayo waa adiga  , danbigaygana ii dhaaf   ma dhaafo adiga mahee danbiyada  ,  qalbigaygana ku sug daacadaada , Shicaarkaygiina wuxuu noqday , Rabiyoow  ku maqlay  kuna adeecay ,Maanta laga bilaabo,,,,Saacadan laga bilaabo Daqiiqadaan laga bilaabo ,,,,,,

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Dacwada

Top 5: Dacwada
1) Xasuusnow Mowdka [Geerida] :: 2458 views ::
2) NAFTA IYO EDAABTEEDA :: 2239 views ::
3) Salaada Istikhaarada :: 1798 views ::
4) Quruxda gabdhaha ee dhabta ah :: 1798 views ::
5) Isjir Gabaray oo taxadar badan qaado!! :: 1353 views ::

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Info.
Categories: 7
Reads: 2473
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,282 unique visits