|

Waxaa Turjumtay : Anisa Sh Ibrahim anisa@khadijahome.com
Daqiiqad kaliya : Waxaad ku akhrin kartaa Faatixada 7jeer kor ama hoos, ajarka aad helaysaana waa 1400 oo xasanaad halkii mar 7bada jeerna waxaad helaysaa iinsha Allaah 9800 oo xasano waana daqiiqad kaliya. Daqiiqad kaliya : Waxaad akhrin kartaa Al-ikhlaas “ qulhuwalla “ 20jeer kor ama hoos mar kaliya oo aad akhridaa waxay u dhigantaa 3dex meelodo meel Qur’aanka , hadii aad akhrido 20jeer waxay u dhigantaa adoo 7jeer qur’aanka akhriyey, hadii aad akhrido maalin walba haldaqiiqo 20jeer bishii waxaad akhrinaysaa 600jeer sanadkiina 7200jeer waana daqiiqad kaliya. Daqiiqad kaliya : Waxaad akhrin kartaa halsaf xad oo kitaabka Alle’ah. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa SubxaanallaahiWabixamdi 100jeer, qofkii dhaha saasna waxaa loo dhaafaa dabigiisa, xataa hadii uu leekaa danbigiisu daad xoorta. Daqiiqad kaliya : Waxaad xifdin kartaa hal aayadoo gaaban oo Qur’aanka’ah. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa Laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariikalah lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kuli shay’in qadiir, 20jeer ajarkeeduna waxay u dhigantaa adoo u xoreeyey 8qof dariiqa Alle dartii. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa SubxaanallaahiWabixamdi Subxanallaahil cadiim (cathiim ) 50jeer, waana labada kalmadood ee uu Allaha Raxmaanka’ahi uu ugu jecel yahay say wariyeen Bukhaari iyo Muslim. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa Subxaanallaah Walxamdulillaah Walaa ilaaha ilallaah Wallaahu akbar 18jeer dhamaantood , waana kalaamka Alle swt ugu jecel yahay miisaankana way cusleeyaan qiyaamaha. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa Laa xawla walaa quwata ilaa billaah 40jeer, waana kanzi kamida kanziyada Jannada say wariyeen Bukhaari iyo Muslim, waxayna sabab u noqotaa inaad u adkaysato balaayooyinka. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa Laa ilaaha ilallaah qiyaastii 50jeer, waana kalmada tawxiidka, kalmad wanaagsan, qawlka sugnaanta, qofkii ay ahayd hadalkisii ugu danbeeyey aduunkuna Jannaduu galaa. Daqiiqad kaliya : Waxaad odhan kartaa Astaqfurullaah 100jeer fadligeeduna waxay sababtaa, danbi dhaaf, Janadood gasho, quwadoo kuu siyaada, balaayadoo lagaa jeediyo, maalka iyo caruurta oo laguu siyaadiyo. Daqiiqad kaliya : Waxaad ku salin kartaa Rasuulka scw adoo odhanaya “ Salallaahu calayhi wasalam “ 50jeer Alle swt hakugu saliyo ( hakuu naxariisto ) 500jeer iinsha Allaah, halkii Sali waxay u dhigantaa 10jeer. Daqiiqad kaliya : Waxaad ku akhrin kartaa ilaa 2safxadood buug ama kitaab muhiima oo faa’iido kuule. Daqiiqad kaliya : Waxaad ku xidhiidhin kartaa Raximkaaga tilifoonka. Daqiiqad kaliya : Waxaad ku ducaysan kartaa ducadaad doonto adoo gacmaha kor u taagaya. Daqiiqad kaliya : Waxaad ugu ducayn kartaa muslimiinta iyo muslimadaha adoole “ Allaahuma iqfir lil muslimiina wal muslimaati al axyaa minhum wal amwaat. Waxaad helaysaa iinsha Allaah ajarka qofkastoo muslima oo aduunka jooga ku aad taqaano iyo ku aadan aqoonba, niyada wanaajiso.
|