najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Baro Ha Ku Anfacaane qaybtii ugu danbaysay.
WQ:Nashaad Xasan
2008-12-09
nashaad@khadijahome.com

 

Asalaamu calaukum waraxmatulaaahi wabarakaatu

Illahay subxanahu watacalaa ayey u sugnaatay amaan oo dhan, naxariis iyo nabad galyo rasuulkeenii dushiisa ha ahaato intaa ka dib,

Walaalayaal ciiid wanaagsan meel kastoo aad joogtaaan, ala ciidan ciideeda haynagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo iyo subaaado suuban inshalaaah.

 

90- AL- MANICU

Yaa Maanicu, isagoo leh qofkii ku celceliya 20 jeer, marka uu seexanayo, oo xagga reerkana buuq kaga furanyahay illahey wuu ka xalinayaa buuqiisa, halkii cuqdada iyo murankana wuxuu ugu bedelayaa jacayl iyo farxad. Inshaa-allaah.

91- AD-DAARU

Yaa Daaruu, isagoo leh qofkii ladi waaya ee baqa nabad gelyadiisa iyo noloshiisaba, eek u celceliya magacan 100 jeer, habeenada khamiista iyo jimcaha wuxuu helayaa oo laga magangelinayaa masiibooyinka, naf iyo maalba illahey nabad gelyo iyo xasilooni ayuu siinayaaa.

92- AN-NAAFICU

Yaa Naaficu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 4 jeer, kuna bilaaba wax kasta oo uu qabanayo wuu ku guuleysanayaa dhamaad fiicana way yeelanayaaan waxaaasi, hadii uu qofku akhristo magacan marka uu raacayo markab ama diyaarad, wuxuu noqonayaa qofkaas mid laga dhawray dhibaato, hadii uu qofku akhristo magacan marka ay xaaskiisa/keeda isu tagayaaan, illaahey wuxuu siinayaa awlaad baari ah. Inshaa-allaah.

93- AN-NUURU

Yaa Nuuru, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 1100 jeer, markuu akhriyo suuratu nuur ka dib, qalbigiisa wuxuu noqonayaa mid soo tufaya nuur iyo iftiin, inshaaa-allaah

94- AL-HADI

Yaa Haadi, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 1001 jeer, oo yiraahdo ( yaa haadii ihidinaa siraadal mustaqiim) waa la hanuuniyaa qofkii sacabada kor u taaga ee illaaahay ku barya ee kadibna wajigiisa ku masaxa gacmahiisa, illahay wuxuu u balan qaadayaa hanuun iyo dadka saalixiinta wanwanaagsan oo lagu daro. Inshaa-allaah

95- AL-BADICU

Yaa Badiicu, isagoo leh qofkii ay ka hortimaado dhibaato ama murugo oo 1000 jeer, magacan ku celceliya ilaahay wuxuu kaaasaarayaa dhibkii haystay, qofkii doonaya inay hawl gaar ah u fusho ee 1200 jeer magacan ku celceliya ilaahay hawshiisa wuu u fududaynayaa, hadii qof dhibaato ha hortimaado ama uu ka welwelo arin oo uu magacan akhristo inta aanu seexan ka hor riyo ayaa lagu tusayaa arintiisii wax la xiriira. Inshaaa-allaah

96 – YAA BAQI.

Yaa Baaqii, isagoo leh qofkii magacan ku celceliya habeen kasta oo jimce ah 100 jeer, ilaahay wuxuu siinayaa dhawrid iyo camalkisa wanaagsan oo loo aqbalo inshalaaa-allah.

97- AL-WARITHU

Yaa Warithu, isagoo leh qofkii magacan ku celceliya 100 jeer. Qoraxdu markay soo baxdo wuu ka badbaadayaa murugo, welwel, masiibo iyo darxummo intaba, qofkii doonaya in uu ilaahey ka badbaadiyo maskax wareer, rabshad iyo buuq ha ku celceliyo magacan 1000 jeer, inta maqribka iyo cishaha u dhexeysa. Wuxuuna qofkaas dhimanayaa isagoo mu’min ah. Inshaa-allaah

98- AR-RASHIIDU

Yaa Rashiidu, isagoo leh qofkii ka welwela oo kala saari waaya laba shaqo midi uu gali lahaa ama laba arimood tan u roon ee ku celceliya magacaan 1000 jeer, inta u dhexeysa maqribka iyo cishaha ilaahey ayaa u iftiiminaya tan u roon, qofkii si joogto ah u akhrista magacan ilaahey wuxuu ka dhigayaa mid xaga dhaqaalaha ka kobacsan, mid la nabad galiyey oo xitaa dhaqar laga ilaaliyey. Inshaa-allah

99- AS-SABUURU

Yaa Saburu, isagoo leh qofkii murugo, dhibaato ama mushkilad ay lasoo gudbaanaato oo magacaaan ku celceliya 3000 jeer, ilaahey dhibaatadaas wuu ka nabad galinayaa, qofkii magacan ku celceliya 100 jeer, inta aaney cadceedu soo bixin ka hor, masiibo oo dhan wuuu ka nabad galayaa inta maalintaas ka dhiman, cadawgiisana kelimad isagoo lid ku ah kama sheegayaaan, qofkii ay waxa ku adkaaadaaan ee magacan ku celceliya 1020 jeer, wuxuu helayaa fudeyd iyo nabad galyo uu ku maqsuudo. Inshaaa-allah

Waxa farxad iyo rayrayn ii ah inagoo dhamaynay magacyadii ilaahey ee suusuubanaa ee aynu soo wadnay mudo aad u badan, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ducadeena ino aqbalo duco kastana waa in lagu bilaabaa magaca iyo amaanta ilaahay laguna khatimaaa saliga nabiga scw. Markaas walaalayaal magacyadi waa muhiim aamin ilaahay oo u isticmaaal anigu waan arkay najiidadooda, markaas walaalaaal ku dadaaal inaan alle ku barido.

Haday ku dhaafeen magacyadu ku laabo bayjka khadijahome ee fanka dacwada iyagoo dhamays tiran.

 

Wabilaahi Tawfiiq.

 

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Dacwada

Top 5: Dacwada
1) Xasuusnow Mowdka [Geerida] :: 2452 views ::
2) NAFTA IYO EDAABTEEDA :: 2231 views ::
3) Quruxda gabdhaha ee dhabta ah :: 1792 views ::
4) Salaada Istikhaarada :: 1789 views ::
5) Isjir Gabaray oo taxadar badan qaado!! :: 1348 views ::

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 687
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 687
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2437
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,161 unique visits