|

WQ:Nashaad Xasan Cali February 18, 2008 nashaad@khadijahome.com
Bismilaahi raxmaani raxiim
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi tacalaa wabarakaatu
Walaalayaal salaantaas islaamka ka dib, waxaynu sii amba qaadaynaa magacyadii suubanaa ee illahay. Waxay inoo joogtay magaca 35aad markaas maanta halkaas ayeynu kasii qaadaynaa hadii illahay ka dhigo.
36- ASH-SHAKUURU
Yaa Shakuuru, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 41 jeer, maalin kasta haduu dareemayey culeys xagga dhaqaalaha, xaga cafimaadka ama xaga maskaxda ah illaahey wuu ka qaadayaa culeyska. Inshalaah
37- AL-CALIYU
Yaa Caliyu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan markasta, kuna haysta jeebka ama guntiga warqad uu ku qoran yahay, wuxuu illahey siinayaa mansab sare, rabitaankiisana wuu ku guuleysanaya, inshalaah
38- AL-KABIIRU
Yaa Kabiiru, isagoo leh qofkii waaya shaqadiisa ama jago uu lahaa oo sooma 7 cisho(bari), maalin kastana ku soo celceliya 1000 jeer magacan dib ayuu u helayaa booskiisii waliba dallacaad ayuu ku mutaysanayaa, qofkii maalin kasta magacan ku celceliya 100 jeer wuxuu illahay siinayaa xurmo iyo karaamayn dadka dhexdiisa ah. Inshalaah.
39- AL-XAFIIDU
Yaa Xafiidu, isagoo leh qofkii magacan ku celceliya ama jeebka ku haysta warqad uu ku qoranyahay, wuxuu xijaab uga noqonayaa halista iyo masiibooyinka iyo baadida qofkaas ka lunta. Inshalaah
40- AL-MUQIITU
Yaa Muqiitu, isagoo leh qofkii ilmo uu dhalay ama uu korinaayo uu ku madax adkaado oo intuu magacan koob biyo ku jiraan ku tufo oo uu cabo, ilmihiina cabsiiyo illahey wuxuu u sahlayaa muraadkiisa, ilmiihiina wuxuu uga dhigayaa mid baari ah. Inshalaah
41- AL-XASIIBU
Yaa Xasiibu, isagoo leh hadii uu qofku ka baqo shar Aadane ama wax kale sharkooda oo uu magacan ku celceliyo 70 jeer oo subaxdii ah iyo 70 jeer oo habeenkii ah mudo sideed cisho ah, isagoo ka bilaabaya maalin khamiis ah illahay wuxuu ka xijaabayaa shar insi iyo mid jiniba. Inshalaah
42- AL-KARIIMU
Yaa Kariimu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan xiliga uu jiifsanayo, aduunyada waxa lagu siinayaa xurmo, aakhirana wuxuu ka mid noqonayaa kuwa loo nimceeyey, qofkii doonaya ixtiraam iyo sharaf iyo in lagu tiriyo kuwa illahay ka cabsada waa inuu afka ku hayaa magacan ilaa uu ka hurdo. Inshalaah
43- AL-JALIILU
Yaa Jaliilu, isagoo leh qofkii magacan warqad ku qora oo cadar iyo sacfaraan mariya warqadii, oo haysta warqadaas, kuna celceliya magacan markasta wuxuu helayaa aqoonsi iyo mansab. Insahlaah
Walaalayaal manta halkaas haynoo joogto, waxaan mar kasta idin xasuusinayaa inaad aamintaan dawooyinka magacyada illahay ee suuban si illahay idinku daweeyo inshalaah.
Wabilaahi Tawfiiq
|