|

WQ:Khadra Maxamed khadra@khadijahome.com
8 xabo oo beeda/ ukun’ah
3 qaadada yar ah oo carfiso/ vanille’ah
bac sonkorta madow ah
50 g oo subag ah
koob caano ah
3 xabo oo kaarooto’ah
5 qaadada yar oo bikinboodhar ah/ bagepulver
9 dl oo daqiiq / bur’ah.
waxaad soo qadaa madiibad/ baaquli waxaad ku ridaa beedka / ukunta oo ku qas mishiinka
cabaar ka dib. waxaad ku dartaa carfisada, cabaar isku qas, marka aad isku
qasdo waxaad soo qadaa kaarootada oo aad xoqday ( birta lagu xoqo isticmaal )
markaa ku dar sonkorta iyana cabar ku qas. Marka aad intaa isku qasdo waxaad
soo qaada digsi aad subaga iyo canaha isku yara diirisid, markaa ku dar oo ku qas keega, kadib
waxaad ku dartaa bikinboodharka iyo daqiiqda. Waxaad daarataa foornada/ ovenka oo u
gee 200 markaa kadib waxaad galisaa keega oo aad ku shubtay saxanka foornada oo aad subg yar marisay kudaa keega foornada ila 20-30min.
|